Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Sarkaal ciidan oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal reer Puntland oo horey uga tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed laguna magacaabo Faarax Caato, ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa lugu xirey oo salaadii duhur kadib ka dhacay xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Sarkaalkaan oo markii hore isagoo dhaawac ah la gaarsiiyay isbitaalka Gaalkacyo ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray Qaraxa, sida uu kusoo warramayo weriyaha Puntlandi ee Gaalkacyo oo la xiriray saraakiisha caafimaadka.

Saraakiisha amniga ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan falkaan.

Ma ahan sarkaalkii sarkaalkii ugu horeeyay ee lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiro, hase yeeshee falalka caynkaan oo kale ah, ayaa kusoo badanayay labadii sano ee ugu dambeysay magaalada Gaalkacyo, waxaana sheegta kooxda Alshabaab oo xaafada Baraxley kasoo abaabusha falalkaan.

Puntladi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this