Sign in to follow this  
Deeq A.

(Sawiro) Shirar Nabadda lagu xoojinayo oo Gaalkacyo ka dhacay.

Recommended Posts

Deeq A.   
Kullan looga hadlayay xoojinta nabada ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qeyb galay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Puntland, kuwaasi oo maalmahaan ku ku howllanaa Nabadda Mudug iyo Taliyaha Ciidanka milatariga Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod)
Wasiirada Puntland ee kulanka joogay waxaa ka mid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland C/wali Xirsi Cabdille (Indho-guran) Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland Bhrhaan Cilmi (Filig) Wasiiru-dowlaha Kalluumaysiga Puntland Dr C/raxmaan Aw-Jaamac (Kulmiye) Madaxwaynihii hore ee Galmud Iyo Duqa Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin (Tumey) iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Abgaaloow.
Waxaa ujeedada kulanku ahaa in si dhab ah la isaga waraysto waxyaabihii ka hirgalay Qodobadii lagu hishiiyay 18 December 2017 Iyo in la darso sida looga gud-bi karo caqabadaha inta badan Nabadda hor taahan.
Kulanku intii uu socday waxaa dhinacyadu isku af-garteen in xaaladda Gobolka Mudug xilligaan ay aad u wanaagsan-tahay. Waxaa kaloo hoosta laga xariiqay in ay hirgaleen 8 Qodob oo ka mid ah Hishiiskii Gaalkacyo, labada qodob ee dhimana aad loogu rajo wayn yahay in la dhamaystiro Alle idankii.
20180201_185714.jpg 20180201_185757.jpg 20180201_185615.jpg 20180201_185644.jpg 20180201_185659.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this