Sign in to follow this  
Deeq A.

Jarmalka oo joojinaya tababarka uu siinayay Ciidamada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_5405.jpg

Wasaarada Arimaha Dibada Jarmalka ayaa sheegtay iney joojinayaan tababarkay siinayeen Ciidamada Soomaaliya dhamaadka bisha Maarso ee 2018-ka.

Tababarka ay Jarmalku bixiyaan ayaa wuxuu qayb ka ahaa tababarka ay Midowga Yurub siiyaan Ciidamada Soomaaliya kasoo ujeedkiisu yahay in loo carbiyeeyo Ciidamada Soomaaliya sidey mustaqbalka ula wareegi lahaayeen kaalinta Ciidamada Amisom.

Jarmalku ma aysan sheegin Sababta keentey iney ka baxaan Barnaamijka Midowga Yurub ay ku tababarayeen Ciidanka Soomaaliya, waxayse sheegeen oo qura iney ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya ( Muqdisho).

Sida Puntlandi xogta ku hayo awalba Jarmalka kama aysan joogo Soomaaliya Ciidan saas u badan oo tiro ahaan Ma gaarayaan toban Askari ( 10 Askari) kuwasoo ah Ciidan ku taqaqusay bixinta tababarka Ciidanka lugta).

Wasaarada Arimaha Dibada Jarmalku waxay kaloo sheegeen in laga yaabo iney kaalmeynta ay u fidiyaan Soomaaliya ay ku ekeysiin doonaan Dhinaca kaalmada Dadka Rayidka ah oo qura(humanitarian).

Sanadkii hore 2017-ka dabayaaqadiisii ayay ahayd markii Dowlada Maraykanku ay ku dhawaaqdey iney jartay kaalmadii dhaqaale ee ay siinayeen Ciidanka Soomaaliya.

Puntlandi
Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this