Deeq A.

Sanbaloolshe accuses Farmaajo government of being behind Qalbidhagax's extradition

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa in uu go’aan shaqsiyan ah ay ahayd ku wareejintii Cabdikariin Qalbidhagax ee ay dowladu u gacan gelisay dowlada Ethiopia. 

 

Golaha Wasiirada ayaa kulan ay yeesheen ayaa waxa ay ku cadeeyeen sababta loo dhiibay Qalbidhagax iyo waxa kalifay, waxaa ka hadlay wasiirka warfaafinta anigana go’aan dowlada aysan ogeyn haddii aan gaaro aniga ayaa la I qabsan lahaa.”ayuu yiri Sanbaloolshe oo wareysi dheer siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA kana leexleexday su’aalaha la xiriira Qalbidhagax.

 

Sidoo kale wareysiga ayaa Sanbaloolshe waxaa uu ku sheegay in warbixintii ay baarlamaanka ka soo saareen arrinta Qalbidhagax ay ahayd mid aan nadaamsanayn. Agaasimihii hore ee Nabadsugida Cabdulaahi Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay arrimaha mucaaradka ka soo horjeeda dowlada ayaa waxa uu ku tilmaamay jahwareer Siyaasadeed;

 

“Waxay u dhaqmayaan inay yihiin wiilal dhalinyaro ah oo qamri laga dharjiyay baabuur dheereysa furaheeda loo dhiibay darbi walbana kula dhacaya dadka ku laaynaya aakhirkiina iyagana ku dhimanaya.” Ayuu yiri Sanbaloolshe. Sanbaloolshe ayaa dhaliilay hab dhaqanka dowlada ee mucaaradka waxana uu ku taliyay in dabeecadaha lagula dhaqmayo wax laga bedelo.

 

“looma baahna in siyaasiyiinta la caburiyo dagaalka Al-shabab lagula jirana loo wareejiyo meel kale wadankana laga dhigo meel dadka lagu caburiyo gacan bir ahna lagu qabto xoriyatul qowlna uusan jirin,”.

 

Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa ay kutimid talo lagu siiyay Dowlada in go’aan ay qaadato si ay ugu kaarto baxdo.

Hase yeeshee Sanbaloolshe ayaa soo dhoweeyay booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland hase yeeshee waxa uu shaki ka muujiyay halka ay ka imanayso dhaqaalaha lagu hirgelinayo mashaariicda kala duwan ee Madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhigey xilligii uu booqanayay Puntland iyo Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.