Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo guddi u saaray waxkaqabadka khatarta Kaalmaha Shidaalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

GOALAH.jpg?resize=600%2C338

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban Golaha Wasiirada oo si deg deg ah uga hawlgelaya waxkaqabadka khatarta kaalmaha Shidaalka iyo u gurmadka dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii ka kacay Garoowe.

Guddiga ayaa looga dhawaaqay shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta oo Khamiis ah,sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa shirka Golaha Wasiirada ka sheegay in si deg deg ah loogu baahanyahay waxkaqbadka khatarta khaalmaha shidaalka,isagoo dhacdadii u dambaysay ku tilmaamay“dhacdo xanuun badan oo shacabka Puntland soo martay”.

Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban wasiirada;Arrimaha Gudaha,Amniga,Shaqada iyo Shaqaalaha,Ganacsiga iyo Caafimaadka,waxana loo xilsaaray in ay si deg deg ah uga hawlgelaya waxkaqabadka khatarta kaalmaha Shidaalka iyo u gurmadka dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii ka kacay Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo guddi u saaray waxkaqabadka khatarta Kaalmaha Shidaalka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this