Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Tirada dilalka foosha xun ee ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii January ee 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii January ee 2018, marti galisay dilal kala duwan oo inta badan loo geystay Saraakiil, Ciidamo iyo dad shacab ah.

Dilalka ugu badan ayaa ka dhacay Degmooyinka Xamarweyne, Hodan, Dharkiinley iyo Waaberi, oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.

Dilalka dhacay bishaan January oo aad u badan ayaa waxaa dhankeena nooga diiwaan gashan 8 dil oo taariikheysan, kuwaa oo loo geystay dad macquul ah.

HOOS KA AKHRISO DILALKA KA DHACAY MUQDISHO BISHII JANUARY EE 2018

1-January 1, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Booliska Somalia kaa oo xiliga dilkiisa ku sugnaa Degmada Waabari, gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Degmada.

2- January 1, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Black Sea ee Degmada Hodan, ku dilay askari ka tirsan ciidamada Militariga oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Xasan.

3-January 2, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley,ku dilay Cali Nuur oo ahaa Aabaha dhalay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute).

4-January 5, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafada Koodka ee degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ku dilay ruux la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada Xamar weyne oo shacab ahaa.

5- January 5, 2018, Laba ruux oo ku hubeysneyd bastoolado ayaa nin macalin ahaa ku toogtay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

6-January 18,2018, Waxaa gudaha Dekadda magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Somalia oo lagu magacaabi jiray Saciid Mariin, waxaana dilay nin ku xigeenkiisa ahaa.

7- January 19,2018, Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Askari ka tirsanaa Militeriga dowlada ku dilay Waaxda October ee degmada Waabari xili uu hoyaad u ahaa gurigiisa oo ku yaala isla degmada.

8- January 26,2018, Mid kamid ah Shaqaalaha Ajaaniibta u shaqeeya UNICEF ayaa lagu dilay xarunta ay Hay’adda ku leedahay Degmada Wadajir, waxaana dilka geystay askari Soomaali ah oo ilaalo ka ahaa xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay bishaan ayaa aad u yaraanaaya markii loo eego dilalka dhacay bishii kasii horeysay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Akhriso: Tirada dilalka foosha xun ee ka dhacay magaalada Muqdisho Bishii January ee 2018 appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this