Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorsho lagu magacaabayo Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska oo ka socda Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in maanta lagu wado in la magacaabo Taliyeyaasha Hay’adaha Nabad Suggida iyo Booliska Somalia oo muddooyinkii dambe ahaa Taliye la’aan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan inay suuragal tahay in labada Taliye lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada Somalia oo iminkaba ka socda Madaxtooyada.

Qorshaha magacaabida labada Taliye ayaa la sheegay inuu ahaa habbeenimadii xalay, balse mashquul jiray aawgii la filaayo in maanta oo khamiis ah la magacaabo.

Xubno ka tirsan Villa Somalia oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa xaqiijiyay in xiligaani uu jiro dhaqdhaqaaq suuragalinkara magacaabida labada Taliye.

Soo xulista labada Taliye ee Nabadsugida iyo Booliska ayaa waxaa sidoo kale iska kaashaday Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaraha dalka.

Dhinaca kale, waxaan si rasmi ah loo xaqiijin Karin cida loo magacabi doono Taliyayaasha labada Hay’adood,wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in lasoo celin doono Taliyayaal horay usoo qabtay labada xil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xog: Qorsho lagu magacaabayo Taliyayaasha Hay’adaha NISA iyo Booliska oo ka socda Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this