Sign in to follow this  
Deeq A.

Sambaloolshe” Siyaasiin ka Hoos Shaqeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha ayaa dalka Qasaya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyihii hore ee ciidamada NISA Cabdullaahi Sambaloolshe oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa Dowlada ku eedeeyay in ay lacag ku bixisay kursigii looga gooleeystay ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in Dowlada ay riixid ku sameeysay islamarkaasina lacag ka badal hal Billion oo Dollar ay ku bixisay ninkii isaga ugu guuleeystay kursigaasi.

Waxa uu Sambaloolshe sheegay in Dad ka hoos shaqeeyanayo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha ay qas ku wadaan Wadanka Soomaaliya iyaga oo aan dooneeynin isaga sida uu hadalka u dhigay.

Sambaloolshe ayaa Labo jeer soo noqday Taliyaha NISA isaga markii ugu dambeeysayna xilka ay ka qaadeen Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/02/Cod-Sambaloolshe.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

 

The post Sambaloolshe” Siyaasiin ka Hoos Shaqeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha ayaa dalka Qasaya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this