Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo maanta ka shiraysa sidii xal loogu heli lahaa Qatarta amni ee kaalimaha shidaalka lagu iibiyo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gollaha wasiirada Puntland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa yeelanaya ayaa ka doodidoonaa qaraar ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa ama wax looga qaban lahaa halista ay leeyihiin kaalimaha shidaalka ee kuyaala meelaha aan haboonayn.

Madaxweyne ku  xigeenka Puntland, eng,Camey ayaa sheegay inuu qaraarkaan isagu horgayndoona gollaha wasiirada Puntland oo maanta yeelanaya shirkoodii khamiislaha ahaa.

Camey ayaa sheegay dowladdu inay diyaarinayso qorshe ku saabsan in la kala raro xarumaha shidaalka iyo goobaha ganacsiga ee hoosta isaga jira, taasoo mar walba leh qatarteeda.

Waxaa kale oo uu sheegay inay dowladdu sameyndoonto Dam damisyaal badan oo laga hirgalindoono dhammaan gobolada Puntland, si hadda kadib looga feejignaado qatarta ka imaan karta kaalimaha shidaaalka, sidii labo maalin kahor ka dhacday Garowe.

Shilkii Dabka ahaa ee ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa kundhintay illaa qof oo shacab ah.

Puntlandni.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this