Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah dadkii loo qaaday Muqdisho ee ku dhaawacmay Dabkii ka kacay Garowe oo geeriyooday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho waxaa la gaarsiiyay afar qof oo ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay dab qabsaday xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Sida uu inoo xaqiijiyay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Maxamed Yusuf Tigey, waxaa isbitaalka ku geeriyooday Cawil Ismaaciil oo ka mid ah afarta qof ee dhaawacyadooda ay cuslaayeen ee la geeyay Muqdisho. Isbitaalka ayaa sidoo kale la tacaalaya saddexda qof ee kale, kuwaas oo haatan ku jira qeybta gargaarka deg deg ah halkaas oo lugu dabiibayo.

Duqa magaalada caasimadda ah ee Garoowe, Xasan Maxamed Khaliif (Goodir) oo dhankiisa shir jaraa’id Garoowe ku qabtay wuxuu sheegay afar qof inay dabka ku geeryoodeen, wuxuuna baaq u diray bulshada reer Puntland oo uu ka dalbaday inay ka qeyb qaataan sidii aanu mar labaad usoo laaban musiibadii ka dhacday magaalada Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this