Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo dhiira gelin u sameeyey wiilkii naafada ahaa ee….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ismaaciil Axmed Maxamuud, kaasoo ka mid ahaa arday shalay ka qalin jebisay Jaamacadda SIMAD.

Shalay ilaa Maanta ayaa Ismaaciil waxaa si aad ah u qabsaday Baraha ay Bulshadu isticmaasho sawiro laga soo qaaday xili uu ka qalin jebinayay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaabilaada Ismaaciil Raage oo ah qof qaba baahiyo gaar ah hadana shalay ka qalin jebiyay Jaamacadda SIMAD.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xafiiskiisa ku qaabilo Ismaaciil Axmed oo ka qalin jebiyay Kuliyadda Bankigga iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda SIMAD.

“Waaxan ku faraxsanahay in aan maanta Xafiiskeyga ku qaabilay Ismael_Raage oo ah arday ka qalin jabiyay Kuliyadda Banking & Finance ee Jaamacadda SIMAD_University..Guusha Ismael iyo ardayda kale ee Soomaaliyeed waxay tilmaam u tahay mustaqbalka fiican ee naga horeeya. Guul, Horumar iyo farxad.

madax siyaasiyiin iyo dhamaan bulshada soomaaliyeed ayaa ugu soo hambalyeeyay Ismaaciil Axmed Maxamuud oo kaqalin badashay jaamacadda simad.

Ismaaciil Axmed Maxamuud ayaa  tusaale u noqday dhammaan dadka baahiyda gaarka ah qaba ee Soomalaiyeed, isla markaana muujiyay dhabar adeeg ah in aysan baahiyada gaarka aheyn jirka ee ay tahay doonista iyo Go’aanka.

2-101.jpg?resize=696%2C463&ssl=1wiilka1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 wiilka.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 wiilka1-696x464-1.jpg?resize=696%2C464&s

wiilka3.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

wiilka2.jpg?resize=696%2C928&ssl=1

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo dhiira gelin u sameeyey wiilkii naafada ahaa ee…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this