Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo mar kale gacanta ku dhigtay diyaarad nooca Drone-ka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay diyaarad nooca wax basaasa ee loo yaqaan Drone.

Diyaaraddaan ayaa kusoo dhacday deegaanka Beerxaani ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in kahor intii aysan soo dhicin ay dul heehaabeysay mudo daqiiqado ah inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Beerxaani.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhacday deegaanka Beerxaani xilli halkaas ay muddo saacada ah dul heehaabaysay.

Diyaaraddan ayaa loo maleynayaa in ay ka mid ah diyaaradaha wax basaasa ee dowladda Mareykanka.

Waa diyaaraddii labaad ee Drone oo mudo labo todobaad ah ay kooxda Al-Shabaab gacanta ku dhigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

The post Al-Shabaab oo mar kale gacanta ku dhigtay diyaarad nooca Drone-ka ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this