Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo Danjiraha Turkiga kala hadlay Xoojinta Taageerada G. Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkey_Somalia_Relition-4.jpg?resize=826Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruudu ku xirnayn. Wuxuuna xusay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugu soo kaban lahayd oo ay xasilooni iyo horumar u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan dib-u-soo nooleynta adeegyadii guud”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Ugu dambeyn, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu kala shaqeynayo maamulka cusub ee gobolka Benaadir dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Turkey_Somalia_Relition-1.jpg?resize=826 Turkey_Somalia_Relition-2.jpg?resize=826 Turkey_Somalia_Relition-3.jpg?resize=826

PUNTLAND POST

The post Duqa Muqdisho oo Danjiraha Turkiga kala hadlay Xoojinta Taageerada G. Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this