Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo tababar heer sare ahi ugu soo xirmay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta Tababar soconayey muddo toban beri ahi ugu soo xirmay Xarunta Jaamacadda Puntland State waxaana Tababarkaasi qabanayey  Mac-hadka Tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Institute of Public Administration and Management (IPAM) iyo Jaamacadda PSU oo  iyadu martigelinaysa Mac-hadka (IPAM) maadaama aanu weli dhammay tirmin dhismaha Mac-hadku.

Tababarkaan ayaa isugu jirey labo qaybood oo kala ah ToT’s oo shaqaalaha dawladda qayb kamid ah loo diyaarinayey inay iyagu noqdaan tababareyaal, kuwaas oo dawladda ka caawin doona tababarka shaqaalah, halka  qaybta labaadna ahayd Tababar heer sare ah oo lasiinayey shaqaalaha rayidka ah ee dawladda (Advanced Level Traininig).

Muddadii uu tababarkaani soconayey ayaa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda waxaa lagu tababarayey koorsooyinka kala duwan oo muhim u ah shaqada ay dawladda u hayaan (short Courses) kuwaas oo lagu salaynayey qof walba  cilmigii uu markii hore soo bartay isla markaana uu dawladda ugu shaqeeyo.

Shaqaalahaan tababarka loo qabtay ayaa waxay ka koobnaayeen  boosaska  kala ah  Madaxqaybeedada Human Resource, Finance, Procurement, Monitoring & Evaluation, Information and Communication Technology  iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud oo ugu horrayn munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa qiimaha ay leedahay aqoontu iyo sida ay muhiimka ugu tahay shaqaalaha dawladda Inay ka faa’iideystaan cilmigii ay halkaan ku qaateen.

Agaasimaha guud ee Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda Mudane Warsame Maxamud Xasan oo isaguna munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkaani u leeyahay shqaalaha dawladda isagoona xusay inay ku dabo geli doonaan shaqaalaha dawladda cilmigii la baray siday ugu faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee ay uga yimaadeen xafiisyada dawladda.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa kula dar-daarmay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda inay ka dhabeeyaan taabba-gelinta cilmigii ay barteen, taas oo la doonayo in si dhaqso ah looga dareemo xafiisyada  dawladda marka ay ku laabtaan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dawladdu ay helaan tababarro dheeraad ah isagoo tusaale u soo qaatay waddamada hore-umaray dhammaantood inay laf dhabar ka dhigteen tayanta iyo tababaridda shaqaalahooda, taasina ay dhaxalsiisay guulaha waaweyn ee ay gaareen.

Ugu dambayn Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawaladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo soo xiray Munaasabadda ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay xukuumaddu u gashay barnaamijka tayaynta shaqalaaha, kaas oo kamid ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha isla markaana maanta noqday mid si weyn loogu guuleystey.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto ugu adeegaan bulshada isagoona u ballan qaaday in ay heli doonaan dallacsiin ay ku mutaysteen hawl-karnimadooda, isagoona ugu dambayn  guddoonsiiyey shahaadooyin caddaynaya cilmiga ay barteen.

DSC02752.jpg?resize=600%2C338 DSC02753.jpg?resize=600%2C338 DSC02756.jpg?resize=600%2C338 DSC02757.jpg?resize=600%2C338 DSC02759.jpg?resize=600%2C338 DSC02762.jpg?resize=600%2C338 DSC02765.jpg?resize=600%2C338 DSC02766.jpg?resize=600%2C338 DSC02768.jpg?resize=600%2C338 DSC02769.jpg?resize=600%2C338 DSC02771.jpg?resize=600%2C338 DSC02773.jpg?resize=600%2C338 DSC02776.jpg?resize=600%2C338 DSC02780.jpg?resize=600%2C338 DSC02781.jpg?resize=600%2C338 DSC02787.jpg?resize=600%2C338 DSC02791.jpg?resize=600%2C338 DSC02798.jpg?resize=600%2C338 DSC02800.jpg?resize=600%2C338 DSC02805.jpg?resize=600%2C338 DSC02806.jpg?resize=600%2C338 DSC02808.jpg?resize=600%2C338 DSC02817.jpg?resize=600%2C338 DSC02820.jpg?resize=600%2C338 DSC02822.jpg?resize=600%2C338 DSC02827.jpg?resize=600%2C338 DSC02828.jpg?resize=600%2C338 DSC02830.jpg?resize=600%2C338 DSC02836.jpg?resize=600%2C338 DSC02832.jpg?resize=600%2C338 DSC02837.jpg?resize=600%2C338 DSC02839.jpg?resize=600%2C338 DSC02845.jpg?resize=600%2C338 DSC02849.jpg?resize=600%2C338 DSC02851.jpg?resize=600%2C338 DSC02856.jpg?resize=600%2C338 DSC02859.jpg?resize=600%2C338 DSC02861.jpg?resize=600%2C338 DSC02865.jpg?resize=600%2C338 DSC02867.jpg?resize=600%2C338 DSC02868.jpg?resize=600%2C338 DSC02869.jpg?resize=600%2C338 DSC02870.jpg?resize=600%2C338 DSC02871.jpg?resize=600%2C338 DSC02872.jpg?resize=600%2C338 DSC02874.jpg?resize=600%2C338 DSC02879.jpg?resize=600%2C338 DSC02881.jpg?resize=600%2C338 DSC02885.jpg?resize=600%2C338 DSC02888.jpg?resize=600%2C338 DSC02892.jpg?resize=600%2C338 DSC02893.jpg?resize=600%2C338 DSC02897.jpg?resize=600%2C338 DSC02920.jpg?resize=600%2C338 DSC02923.jpg?resize=600%2C338 DSC02926.jpg?resize=600%2C338 DSC02929.jpg?resize=600%2C338 DSC02945.jpg?resize=600%2C338 DSC02948.jpg?resize=600%2C338 DSC02949.jpg?resize=600%2C338 DSC02954.jpg?resize=600%2C338 DSC02956.jpg?resize=600%2C338 DSC02958.jpg?resize=600%2C338 DSC02961.jpg?resize=600%2C338 DSC02965.jpg?resize=600%2C338 DSC02967.jpg?resize=600%2C338 DSC02970.jpg?resize=600%2C338 DSC02973.jpg?resize=600%2C338 DSC02975.jpg?resize=600%2C338 DSC02977.jpg?resize=600%2C338 DSC02979.jpg?resize=600%2C338 DSC02984.jpg?resize=600%2C338 DSC02987.jpg?resize=600%2C338

The post Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo tababar heer sare ahi ugu soo xirmay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this