Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO+VIDEO) Shir ku saabsan isku xirka iyo horumarinta caafimaadka Soomaaliya oo Garowe ka furmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarunta wasaaradda caafimaadka ee Garowe waxaa saakay ka furmay shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka dowladda federalka Soomaaliya ayna ka qeyb galayaan dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo deeq bixiyaaasha.

Shirkaan oo socondoona labo maalin, ahna heer agaasimayaal, ayaa si gaar ah waxaa looga hadlayaa mashruuc ku saabsan isku xirka caafimaadka Soomaaliya, kaasoo ka socda ka socda Jubbada hoose, (Jubbaland) Cadaado (Galmudug) iyo gobolka Bari, (Puntland)  kaasoo muddo sannad ah socday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland, Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan, ayaa weriyaasha u sheegay in shirkaan lagu falanqayndoono qaabka ay shaqadu u socoto iyo sidii loogu midoobi lahaa horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha guud wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya Dr Cabdulalhi Xaashi Cali, ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland uga mahad celiyay inay fududaysay shirkaan muhiimka ah, isagoo sheegay inay dowladda federalka iyo dowlad goboleedyadu ka doodayaan in la qiimeeyo baahiyaha caafimaad ee mudnaanta leh ee ka jira gobolada uu mashruucaan ka socda.

DSC_1654.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1656.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1667.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1671.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1675.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1680.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1682.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1692.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1693.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1704.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1706.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1718.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1734.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1735.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1742.jpg

????????????????????????????????????

DSC_1652.jpg

????????????????????????????????????

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this