Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:-Garoowe oo laga mamnuucay in wax xarun shidaal ah laga furto

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa.jpg?resize=600%2C400

Duqa caasimadda Garoowe, xassan Maxammed Ciise (Goodir) oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey khasaarihii ka dhashay dabkii xalay ka kacay Isgooyska Bulsho ee magaalada Garoowe.

Xassan Goodir ayaa sheegay in ilaa iyo haatan ay hayaan dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 4 kale,isagoo xusay in dhammaan dadkii dhaawacmay loo qaaday magaalda Muqdisho,si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo aad u liidata.

Duqa ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay mamnuc tahay in wax kaalin shidaal ah magaalada Garoowe laga furo,wuxuuna ballan qaaday in sannadkaan ay dab-demisyo waaweyn magaalada keen doonaan.

Halkaan ka daawo dhamman qodobadii uu ka hadlay.

PUNTLAND POST

The post Daawo:-Garoowe oo laga mamnuucay in wax xarun shidaal ah laga furto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this