Sign in to follow this  
Deeq A.

BREAKING NEWS:- Dowladda Puntland oo dad u xir xirtay Dabkii dhimashada badan dhaliyay ee ka kacay Garowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa dad u xir xirtay Dabkii dhimashada badan dhaliyay ee maalintii shalay ka kacay kaalin shidaal oo kutaalay magaalada Garowe, kaasoo geystay khasaare xoogan oo isugu jirat dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Duqa degmada Garowe oo shir jaraa’id weriyayaasha ugu qabtay Garowe, ayaa sheegay inay dowladda Puntland wado baaritaan ku aadan sidii uu ku kacay dabkaan iyo cida ka dambeysay.

Xasan Goodir wuxuu sheegay  inaysan ka hor dhacayn baaritaanka ay hay’addaha amniga wadaan  iyo dadka loo xiray falkaan, hase yeeshee wuxuu intaa ku daray inay dowladdu qaaday dhaawacyo garaab ah oo loo qaaday magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in tirada dhimashada ay dowladdu hayso inay marayso illaa afar qof oo shacab ah. Waxaa kale oo dhaawac ah afar qof ay xaaladooda aad uy liidato, kuwaas oo uu sheegay inay  dowladda Puntland uduulisay magaalada Muqdisho.

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this