Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidanka maamulka Somaliland Oo Burco Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco-(Caasimadda Online)-wararka ka imaanaya magaaladda  Burco ee Xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in lagu dilay Taliyihii ciidanka nabad-galyada waddooyinka gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

Isbitaalka Magaalada Burco ayuu ku geeriyooday kadib dhaawac culus oo Taliyaha Gaari la jiirsiiyay xili uu ku guda jiray howshiisa caadiga ah sida ay Warbaahinta u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Burco ayaa Gacanta ku dhigay darawalkii waday Gaariga waxaana lootaxaabay xabisiga.

Tallaabadaan Gaariga lagu jiirsiiyay isla markaana uu u geeriyooday taliyihii ciidamada nabadgelyada Wadooyinka Gobolka Togdheer ayaan la ogeyn in ay tahay mid ku dhacday sikedis ah iyo in ay tahay mid ula kac ah waxana socda baaritaano ay wadaan ciidamada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Mid Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidanka maamulka Somaliland Oo Burco Lagu Dilay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this