Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dil loo geeystay Muwaadin Soomaaliyeed.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay  Laanta Site B ee Tuulada Khaylisha Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Allaha u naxariistee muwaadinkaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Catoosh kaasi oo kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah ay ku dileen goobtiisa ganacsi.

 

Ciidamada Booliska ayaa soo gaaray goobta dilkaasi uu ka dhacay kuwaasi oo aan la sheegin cid ay qabteen.

Waxaa soo badanaya Dilalka Sanadkaan Cusub Dalkaasi Koonfur Afrika loogu geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliya.

Waa Muwaadinkii 5aad oo Soomaali ah ee lagu dilo dalka South Africa Sanadkaan Cusub ee 2018-ka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this