Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimashada ka dhalatay Dabkii shalay ka kacay magaalada Garowe oo gaaray shan qof.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Tirada dadkii ku geeriyooday dabkii shalay ka kacay kaalin shidaal oo kutaalay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, ayaa gaaray shan qof, sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee heer gobol.

Afar kamid ah dadkaan ayaa xalay iyo saakay aroortii ku geeriyooday isbitaalka guud ee Garowe iyo isbitaal gaar looleeyahay oo caasimadda kuyaala, waxaana dadkaan qeyb kamid ah saakay loo waday in loo qaado magaalada Muqdisho, si loolasii tacaalo xaaladooda caafimaad.

Dadkaan dhintay ayaa si xun waxaa ugubtay jirkooda, inkastoo dhaqaatiirta caafimaadku dedaaleen, ayaa hadana waxay saakay u geeriyoodeen dhaawicii soo gaaray.

Waxaa ku jira carruur dadka dhintay. Labo kamid ah Dadka dhaawacmay ayaa lagu wadaa in maanta loo qaado magaalada Muqdish, iyagoo xaaladoodu culus tahay.

Waa dabkii ugu khasaaraha badnaa ee ka kaca magaalada Garowe.

27067249_778897902297811_740030166166140

Puntlandi.com

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this