Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:-Sida loo demiyey dabkii Galabta ka kacay magaalada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Dabka-Graoowe.png?resize=600%2C338

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay,lix kalena waa ku dhaawactay dab xooggan oo Galabta ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla Isgoyska Bulsho ee Xaafada Waaberi ee magaalada Garoowe.

Dabkaan ayaa sida la sheegay ka dhashay booyad shidaal oo kaalinta taagneyd,isagoo markii dambe ku fiday ilaa saddex xarumood oo kale,waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dabkaan dhaliyey uu sii kordho.

Dadweynaha magaalada Garoowe oo kaashanaya qaar kamid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa ku guulaystay in ay demiyaan dambka oo si xawli ah ku fidayey.

Shirkadda biyaha ee Al Naciim ayaa doorka ugu weyn ka qaadatay bakhtiinta dabkaan,iyadoo ku deeqday booyadaheeda dab demiska.

Shacabkii u soo gurmaday musiibadan ayaa ka warramay waxay indhahooda ku arkeen,sidoo kale Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Garoowe,Maxamuud Cali Guray ayaa warbaahinta kula hadlay halkii dabkan ka bilowday oo burbur xooggan ka muuqdo.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Daawo:-Sida loo demiyey dabkii Galabta ka kacay magaalada Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this