Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha dabkii Garowe iyo Shaqsi door muhiima ka qaatey oo boolisku xirey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ka dib dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed-ba leh oo galabta ka kacay qaar ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Garowe ayaa wararka soo baxaya sheegayaan booliska Garowe inay xabsiga dhigeen halyeey ka mid ahaa dadkii u gurmadey yareynta khasaaraha dabkaas oo si karti leh uga qeybqaatey daminta gaari shidaal wada , wallow markii dambe lasoo daayay shaqsigaan oo aysan u suurto galin Warbaahinta PUNTLAND POST inay hesho magaciisa.

Dabka galabta oo khasaare ba,an u geystay meherado ku teedhsan wadada laamiga dheer ee magaalada Garowe islamarkaana sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa ka bilowday goob kaalin ah xilli gaari booyada shidaal uu u shubayay kaalinta, waxaana si dirqiya goobtaas looga badbaadiyay gaarigii sidey shidaalka oo qeybtiisa dambe ay ololayso .

Mid ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta ayaa la xaqiijiyay inuu si karti leh ugu guulaystey badbaadinta gaariga shidaalka sidey waxyar ka hor intuusan dabku u gudbin haanta ku xirnayd gaariga oo dabku uu sigay.

Waxaa la rumaysan yahay khasaaraha dabku inuu intaas ka badan lahaa haddii aanan shaqsigaasi ku guulaysteen daminta iyo badbaadinta gaariga sidey shidaalka Haddaba Wariye Abshir Dhiirane ayaa wareysi amuurtaas ku saabsan la yeeshay Xoghayaha Dowladda hoose ee magaalada Garoowe Maxamuud Cali Gurey.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

 

The post Khasaaraha dabkii Garowe iyo Shaqsi door muhiima ka qaatey oo boolisku xirey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this