Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeneey Seeygeeda Tooreey ku Dishay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ka dhacay Fal aad looga naxay kadib markii haweeneey ay ninkeeda Dishay.

Haweeneeydaan ayaa dilka Seeygeeda u adeegsatay Tooreey sida dadka deegaanka ay Puntland Post u sheegeen.

Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Caadleey oo Hoostagta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in in Haweeneeydaan Ay Seeygeeda Tooreey dhowr jeer Xaga sare ee jirkiisa kaga dhufatay sidaasna uu u geeriyooday.

Qofkaasi ayaa sheegay in haweeneeydaasi ay maseersaneyd islamarkaasina uu jiray khilaaf baahsan oo iyada iyo ninkeeda u dhaxeeyay.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca Dilalka ku saleeysan Maseerka oo ay haweenka u geeystaan Seeygooda.

Hoos ka Dhageyso Codka Goobjoogaha

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/01/Cod-Haweeneey-Dil-PP.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post-Muqdisho

The post Haweeneey Seeygeeda Tooreey ku Dishay Sh/Dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this