Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo Xildhibaan ku Xiray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Puntland Post ay ka heleeyso Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xidhay Xildhibaan.

Xildhibaan Axmed Taajir oo shalay ay Gudoonka Baarlamaanka Maamulkaasi ku sheegeen in lagala noqday Xubinimadii Baarlamaanka ayeey Ciidamada Nabad Sugida ku Xireen Magaaladaasi.

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa Shir jara’id uu maanta ku qabtay Kismaayo kaga soo horjeeystay Sharci darana ku tilmaamay kalsoonidiina lagala laabtay.

Wararka halkaasi ka imaanaya ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamadaan oo ah kuwa ka amar qaata Madaxtooyada Jubbaland ay Xildhibaanka ku weerareen Hoteel uu ku sugnaa oo ay kala baxeen.
Waxaa xusid mudan in Xildhibaankaan Xalay lagu weeraray hooygiisa Magaalada Kismaayo.
Jubbaland wax war ah kama soo saarin Xariga Xildhibaankaan kalsooniga lagala noqday.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post

The post Ciidamada Jubbaland oo Xildhibaan ku Xiray Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this