Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo degay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib maalmo uu ku sugnaa magaalada Adis ababa ee dalkaasi Ethiopia halkaa oo uu uga qayb galay shirka 30 aad ee midowga Africa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa diyaaradii siday gordhaw ka soo degtay Airporka Adan cadde ee magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweeyay mas,uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay safarkii  madaxweynaha,wuxuuna sheegay in uu guul ku soo dhamaaday,wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay taageersantahay dib u habaynta lagu sameynayo Ururka Midowga Afrika iyo qorshayaasha ku aadan mideynta suuqyada xorta ah ee Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa  magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda dalalka Africa ee ka qayb galay shirka midowga ee Adis lagu qabtay waxaana ka mid ahaa madaxda ay is arkeen madaxweynayaasha dalalka Djibouti,Sudan, South Sudan, Uganda iyo kuwa kale oo ay dhamaantood ka wada hadleen iskaashiga dalalkaas kala dhexeeya Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Madaxweyne Farmaajo oo kasoo degay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this