Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo sheegtay in bisha february la bilaabayo dhismaha isbitaalka ugu weyn Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay Engineero ka socda dalka Germany oo qiimayn ku sameynaysa goobta laga dhisayo isbitaal weyn oo ay dowladda Germany u dhisayso Puntland.

Isbitaalkan ayaa qeyb ka ah mashaariic dhinaca caafimaadka ah oo ay dowladda Germany ku taageerayso dowladda Puntland, kuwaas oo socondoona saddexda sano ee soo socota ayna ku baxayso qarash dhan $31.3 milyan oo dollar.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo duqa degmada Garowe xasan Goodir, ayaa Engineerada geeyay isbitaalka guud ee Garowe iyo goobaha kale ee dowladda Germany mashaariicdeeda laga fulinayo, waxayna kadib la qaateen kullan la isku xor wareysanayay oo ku saabsanaaa qorshaha dhismaha isbitaalka.

Agaasimuhu wuxuu warbaahinta u sheegay in bisha february ee soo socota madaxweynaha dowladda Puntland uu si rasmi ah u dhagax dhigidoono isbitaalkaan oo ahaandoona isbitaalka ugu weyn Puntland islamarkaana si aad ah loo qabalabayndoono.

Dowladda Germany ayaa horey dowladda Puntland uga taageertay dhaqaalaha ku baxaya mashruuca dayactirka waddada dheer ee xiriira Garowe iyo Gaalkacyo, taasoo haatan meel wanaagsan maraysa.

DSC_1284.jpg

DSC_1540.jpg

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this