Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odinga Oo Loo Dhaariyay Madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi-(Caasimadda Online)-Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa kasoo hor muuqday kumanaan qof oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee Nairobi, halkaas oo lagu dhaariyay in uu yahay “madaxweynaha shacabka” Kenya.

Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

 “Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa ku andacoonayaa in saddex jeer oo xigxigtay doorashooyinkii dalka ka dhacay lagu shubtay waxana u diiday in uu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

Hadal kooban oo uu jeediyay dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

“halkaani waa akoonka rasmiga ah ee madaxweynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee kenya” ayuu kusoo qoray barta uu Raila Odinga kuleeyahay twitterka

Halkaan kadaawo muuqaalada iyo sawiro 

Kenyans or NASA supporters if you wish are so resilient. Uhuru park is parked. #NASAOathDay #RailaSwearingIn #FreedomIsComing #DemocracyOrChaos #mediashutdown pic.twitter.com/KxuAXMDv7I

— Abala Kinyua. 🇰🇪 (@AbalaKinyua) January 30, 2018

 

Capture-4.jpg?resize=696%2C491&ssl=1
DUyxaXnX0AI9hti.jpg?resize=696%2C475&ssl DUyxYzuW4AEV1Xx.jpg?resize=696%2C415&ssl DUyxXQ7W4AEprUG.jpg?resize=696%2C464&ssl Raila-Odinga-takes-oath.jpg?resize=696%2 Jubilant-Nasa-supporters-in-Kisumu.jpg?r

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Daawo hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odinga Oo Loo Dhaariyay Madaxweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this