Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Xayiraadda Ka qaaday Qaxootiga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington-(Caasimadda Online)-Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa ku dhawaaqday in la qaaday xayiraadii saarneyd dadka qaxootiga ah ee dalalka uu Maraykanku u arkayay inay halis kaga imaan karto.

11-ka dal ee wareegtada Madaxweyne Donald Trump ka joojisay in dadkooda ay galaan Mareykanka ayaa kala ah Masar, Iran, Iraq, Libya, Mali, North Korea, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen, kuwaas oo hadda la oggolaaday in ay geli karaan Mareykanka.

Wakaaladda WararkaFaransiiska (AFP) ayaa soo warisay in Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kirstjen Nielsen ay ku dhawaaqday in la qaaday xayiraadii saarneyd dadka qaxootiga ee dalalka loo arkayay inay halistooda badan tahay, waxayna intaasi raacisay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan adag, ka hor inta aan loo ogolaan inay Mareykanka galaan.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, iyo ururada bulshada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay go’aankan, waxayna sheegeen Trump inuu ka laabtay qeyb ka mid ah ajandayaashiisa foosha xun.

Tan iyo markii Mareykanka uu xayiraadda dhanka socdaalka ku soo rogay dalalkaan waxaa yaraaday dadkii qaxootiga ahaa ee dalkaas geli jiray oo ay u badnaayeen Qaxooti fara badan oo horay looga qaadi jiray dalal kala duwan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Maraykanka oo Xayiraadda Ka qaaday Qaxootiga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this