Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mukhtaar Roobow oo wadahadal aan caadi aheyn kula jira Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadaadka dhawaan kasoo goostay al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ uu wadahadal kula jiro Saraakiil dowlada Mareykanka ka joogta Somalia.

Wadahadalka ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku haya soo afjarida maleeshiyaadka al-Shabaab ee weli Saldhigyada ku leh Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Mareykanka iyo Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhex shaqeynaaya Saraakiil ka tirsan Militeriga Ethiopia kuwaa oo howlo u jooga magaalada Baydhabo, waxaana lasoo sheegayaa in Roobow lagu qancinaayo in la hubeeyo kadibna uu dagaal toosa la galo Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose.

Wadahadalka ayaa waxaa kamid ah in loo diiwaan galinaayo ciidamo khaas ah oo kor u dhaafaya Kun, kuwaa oo kala qeybqaadan doona dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Waxaan la saadaalin Karin go’aanka uu Mukhtaar Roobow ka qaadan doono wadahadalka aan lasii shaacin ee uu kula jiro dowlada Ethiopia.

Isa soo dhiibida Mukhtaar Roobow ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay dowlada Ethiopia iyo Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan, waxaana iminka socda qorshayaal lagu howlgalinaayo Roobow iyo xoogagiisa.

Dhinaca kale, Roobow ayaa mudada uu la shaqeynaayo maamulka Shariif Xasan soo hirgaliyay maleeshiyaad kor u dhaafaya boqol iyo konton iyo Hubkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Xog: Mukhtaar Roobow oo wadahadal aan caadi aheyn kula jira Mareykanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this