Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano kaarar been Abuur ah u sameeyay Dadka Barakacayaal ah oo gacanta lagu dhigay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo-(Caasimadda Online)-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ayaa Sheegaya in Magaalada lagu  xiray 3 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha degaanka Magaalada Gaalkacyo,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kaarar been abuur ah u daabici jireen dadka Danta yar,kadibna lacag ka qaadan jiray.

Saddexda Xildhibaan ayaa qoyskiiba ka qaadayay $5 Doollar,kaddibna aan dib ugu soo laabaneyn,iyada oo maamulka Gobolka Mudug ee Puntland uu arrintaas ka war helay.

Maxamuud Yaasin Axmed Tumey Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in Xildhibaannada xiran ay ku wareejinayaan Maxkamadaha islamarkaana waxaa uu sheegay in  lacagaha barakacayaasha laga qaaday ay u dib ugu celinayaan  dadka barakacayaasha ee  danyarta ah.

3 Xildhibaan oo kala ah Aways Axmed Salaad,C/waaxid Axmed Maxamed iyo Madar Cali Faarax ayaa kamid ahaa dadkii tagay xarumaha barkacayaasha ee magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Xildhibaano kaarar been Abuur ah u sameeyay Dadka Barakacayaal ah oo gacanta lagu dhigay. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this