Sign in to follow this  
Deeq A.

KISMAYO: Hooy Ay Daganyihiin Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo La Weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamadda Nabad Sugida Maamulka Jubba-land ayaa xalay weerar ku qaaday hoy ay magaaladaasi ka daganaayeen mas’uuliyiin katirsan maamulkaas.

Ciidamadda ayaa weeraray Hoy ay ku sugnaayeen Xildhibaan Axmed Cumar Taajir  oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Jubba-land iyo sidoo kale gudoomiyaha Degmadda  Kismaayo Tima Jilic.

Sida ay inoo sheegeen dadka Magaaladda kismaayo Ciidamadda ayaa saacaddo kooban xayiraad saaray masuuliyinta  ka tirsan maamulka Jubba-land,waxaana rasaas ay laga maqlay hoyga mas’uuliyiinta.

lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in la weeraro masuuliyiintaan katirsan Jubbaland mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ay arintaan uga hadlayaan.

PUNTLAND POST

The post KISMAYO: Hooy Ay Daganyihiin Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo La Weeraray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this