Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda oo Xirey Wadooyinka Magaaladda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed iyo kuwa Booliska ayaa xirey qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka ah ee magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda ayaa gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas,waxaana kaliyah loo ogol yahay in ay isticmaalaan dadka lugta maala.

Wadooyinka xiran ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.

Lama oga sababta loo xiray wadooyinkaan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Dowladda oo Xirey Wadooyinka Magaaladda Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this