Sign in to follow this  
Deeq A.

(VIDEO) Abwaan Qorane oo si adag uga hadlay gabadhiisii lagu xiray Hargeysa runtana u sheegay maamulka beesha Isaaq.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Puntlandi) Abwaan Axmed Ibraahim Qorane oo ah Aabaha dhalay Naciimo Qorane oo ah gabadh u ololeysa midnimada Soomaali weyn kanasoo jeeda Hargeysa, laguna xiray Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xarriga gabadhiisa.

Abwaan Qorane waxaa uu sheegay gabadhiisa in loo xiray inay aaminsan tahay Somaliweyn ayna u xiran tahay sirdoonka maamulka Hargeysa. Wuxuu cadeeyay inuusan wax dhibaato ah u arag in gabadhiisu ay fikirka Somaliweyn aaminsan tahay laguna xirin karin. waxaa kale oo uu sheegay inaan cidina si khasab ah looga shubi karin looguna colaadin karin fikirka Somaliland.

“Qofka dhahay Anigu Somaliland ayaan ahay, laakiin waxaan aaminsanahay Soomaaliweyn dee miyuu Diintii ka baxay. Adeer ma soconayso sacabka ii garaac iyo waxaan la dhoodhoobayo, gabadhaydana wax dambi ah ma gelin.” ayuu yidhi Abwaan Qorane.

 Halkaan ka daawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this