Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

24-1.jpg?resize=600%2C400

Addis Ababa, 28 Jan 2018;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula kulmay Addis Ababa Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, labada Madaxweyne oo kasoo qeyb galay shir-Madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika ayaa kulan goonni ah yeeshay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Suudaan horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada Amniga iyo dib u heshiisiinta, Sidoo kale Madaxweyne Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya safarradii Nabadynta iyo dib u heshiisiinta ee uu ku maray deegaanada Galmudug iyo Puntland, Madaxweyne Albashiir ayaa tilmaamay inay taasi tusinayso midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Suudaan ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteras uu kala hadlay, sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska ciidamada Soomaaliya welibana Qaramada Midoobay ugu raadin lahayd Kharashaad.

Madaxweyne Albashiir ayaa caddeeyey in dalkiisu diyaar u yahay in uu Soomaaliya ka caawiyo dhisidda Hay’adaha Dowladda iyo taageero kasta oo Soomaaliya uga baahato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay kaalinta wanaagsan ee taageerada iyo garab istaagga ay Dowladda Suudaan la garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo xiriirka labada dal.
_DHAMMAAD_

24-1.jpg?resize=600%2C40025.jpg?resize=600%2C400 26.jpg?resize=600%2C400

 

The post Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this