Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah iyo wafdi sare oo booqanaya Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Gurmadka Degdegga ah, Mark Lowcock iyo Agaasimaha Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay Achim Steiner, ayaa maanta u safraya magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan culeyska weyn ee sugnaan la’aanta cuntada joogtada ah iyo habka cusub ee wax looga qaban lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka hortagtay macluul sannadkii hore kadib markii dawladda iyo wada-hawlgalayaashu ay soo gudbiyeen warbixinno digniin hore ah, Laakiin abaarta iyo iska horimaadyada socda, oo ay weheliyaan barakacayaashii abaaraha ee sannadkii hore, ayaa ka tagay 6 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Madaxda Qaramada Midoobay waxay muujinayaan baahida loo qabo in la sii wado gargaarka bani’aadamnimada ee nafaha lagu badbaadinayo oo ah mudnaan degdeg ah, iyada oo isla mar ahaantaana wax ka qabta sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee kusoo noqnoqonaya Soomaaliya iyo dhiirigelinta maalgashiga awoodaha aan la xoojin ee dalka.

Saraakiishaan ayaa la kulmi doonaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, hay’addaha samafalka iyo kuwa horumarinta.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this