Sign in to follow this  
Deeq A.

Barlamaanka Jubbaland oo xasaanadii ka qaaday xidlhibaan katirsan barlamaankooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Jubbaland oo maanta fadhi yeeshay ayaa xasaannadii ka qaadday xildhibaan Axmed Cabdi Xassan (Axmed Taajir).

Guddiga xeerka iyo anshaxa ee Baarlamanka ayaa Xildhibaannada ka hor akhriyay warqad ay soo qoreen oo ay ku eedeeynayeen xildhibaanka in uu jabiyay xeerarka u yaal Baarlamaanka, ayagoo sheegay in uu ku kacay ficillo abuuri kara qalqal siyaasadeed iyo kicin shacab.

Xildhibaankan ayaa maalmihii u dambeeyay u ololeynayay mooshin ka dhan ah golaha wasiirrada Jubbaland, isagoo bartiisa Facebooka soo dhigay Warqad ay ku saxiixnaayeen ilaa 31 Mudane oo ay Mooshin uga gudbinayaan golaha wasiirada Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu aqbalay go’aanka guddiga uu xasaannada uga qaaday xildhibaanka.

 

kkk.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this