Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka PSF Puntland oo howlgal ka sameeyay tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag.

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso (Puntlandi) Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 29 January 2018, hawlgal ka sameeyeen tuulada Ceelaayo ee gobolka Sanaag.

Hawlgalkan ay ciidanka PSf maanta ku tageen Ceelaayo ayaa qayb ka ah hawlgallo isdaba joog ah oo ay ciidanka PSF wadeen muddooyinkan dambe, hawlgalladaas oo ka dhan ah cadowga Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, Soomaaliya.

Ciidanka PSF waxay sheegeen inay ka go’an tahay in ay god iyo geed walba ka daba galaan kooxaha cadowga ah ee Puntland ku soo duulay , si kooxahaas looga ciribtiro loogana sifeeyo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyaba.

15747823_1260226384041761_36590478331095 27332257_321284441699301_369401431044877 27332257_321284441699301_369401431044877 26993711_321294865031592_601807797389602

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this