Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo:-Faahfaahinta nin dad shacab ah ku dhaawacay Garoowe oo la qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_9877.jpg?resize=600%2C400

Taliyaha Saldhigga dhexe ee Garoowe,Dhamme. Maxamuud Muuse Bile(Fardafuul) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey xaaladda guud ee Amniga caasimadda Garoowe.

Taliye Fardafuul ayaa sheegay in amniga guud ee magaalada Garoowe uu aad u wacanyahay,islamarkaana Booliiska oo kaashanaya Shacabka ay shaqaqdooda haystaan,balse ay jiraan dhalinyaro caadaystay dhaca mobile-da,kuwaasoo badankooda la xiray,qaarna haatan lagu daba-jiro.

Dhinaca kale taliye Fardafuul ayaa ka warbixiyey shaqaaqo xalay ka dhacday magaalada Garoowe oo dad ku dhaacmeen,isagoo sheegay la soo qabtay ciddi dhibaatadaasi geysatay oo haatan gacanta lagu hayo.

Dhamme.Fardafuul ayaa sidoo kale beeniyey in xilka laga qaaday,wuxuuna wararka laga faafiyey ku tilmaamay kuwa waxba kama jiraan ah.

Halkaan ka daawo Shirka jaraa’id oo dhammaystiran.

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Daawo:-Faahfaahinta nin dad shacab ah ku dhaawacay Garoowe oo la qabtay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this