Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormaa loosoo guurayaa garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Garowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_9710-740x382.jpgWasaaradda duulista  hawada iyo garoomada Puntland ayaa qorsheynayasa in muddo labo todobaad gudahdeed ah si rasmi ah loogusoo guuro garoonka caaalmiga ah ee diyaaradaha Garowe, kaasoo dhawaan ay xariga ka jareen madaxweyne Gaas iyo madaxweyne Farmaajo.

Garoonka diyaaradaha Garowe oo loogu magac daray, Gen, Maxamed Abshir Muuse, ayaan weli si toos ah uga bilaaban duulimaadyada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, sababo la xiriira shaqadii dhismaha garoonka oo weli maraysa heer gabagabo.

Wasaaradda duulista ayaa masuuliyiin katirsan oo la hadlay warsidaha Puntlandi waxay u sheegeen in garoonka ay u dhameystiran yihiin dhammaan qeybihii ugu muhiimsanaa, balse ay haatan howshoodu dhameystir ku dhow dahay qeybta calaamadadaha Runway-ka ee lagu kala hago diyaaradaha iyo qeybta dadka garoonka ka duulaya ay ku sugaan.

Wasaaradda duulisya waxa kale oo ay sheegtay inuu meel fiican marayo mashruuca Nalaynta garoonka, iyadoo tilmaamtay in la diyaariyay dhamaman meelihii laga sameyn lahaa iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa oo gabagabo ku dhow, inkastoo ay cadeeyeen inay howshaas guddi gaar ah gacanta ku hayaan, wasaaradduna aysan ku faro galin.

Dhinaca kale, Shirkadaha dulimaadyada Soomaaliya ayaa xafiisyadooda ka furtay magaalada Garowe. Waxaa kale oo la filayaa in duulimaadyo caalami ah ay ka bilowdaan Garowe.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this