Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey” 3 Kursi ayaa ka dhiman Baarlamaanka Dalka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya 3 kursi ay ka banaanyihiin Islamarkaasina dhowaan ay dhaceeyso Doorashadooda.

Xaliimo yareey ayaa sheegtay in la xaliyay cabasho balaaran oo ka taagneeyd qabsoomida doorashada Sadaxdaasi kursi dhowaana la qaban doono.

Waxa ay sheegtay in ay ka dhacayaan Doorashada 3-daasi kursi magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho.

Ma sheegin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono.

Shalay waxaa magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada Kursi kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xaliimo Yarey” 3 Kursi ayaa ka dhiman Baarlamaanka Dalka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this