Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo aas aasaysa ciidanka ilaalinta xuduudaha Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa aas aasaysa ciidanka ilaalada xuduudaha Puntland, kuwaas oo noqonaya ciidankii ugu horeeyay ee u gaar ah inay sugaan ammaanka xuduudaha Puntland ay leedahay.

Qorshahaan sameynta ciidanka xuduudaha dowladda Puntland, ayaa lagu meel mariyay shirkii golaha wasiirada Puntland, iyagoo goluhu ay si buuxda isugu raaceen mudnaanta ay leedahay in ciidan gaar ah loo sameeyo ilaalinta xuduudaha Puntland.

Tilaabadaan ayaa lagu dhaqaaqidoonaa marka ay dowladda Puntland si buuxda u xorayso dhulka gacanteeda ka maqan, oo uu gobolka Sool ugu horeeyo, waxaana dowladdu ay diyaarinaysaa dhammaan qorshihii ciidankaan loogu talo galay.

Dowladda Puntland waxay sheegtay ciidankaan mar la dhiso inay meesha ka bixidoonto in mar dambe dhulkeeda iyo xuduudaheeda lagusoo xad gudbo, sida hadda ka taagan gobolka Sool oo uu maamulka Hargeysa duullaan kusoo qaaday, xoongna ku haysto gobolka Sool magaalooyinkiisa ugu muhiimsan.

Warsidaha Puntlandi waxaa uu xogtaan kasoo xigtay illo dowladda katirsan.

Puntlandi.com

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this