Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay Qarax lala eegtay ciidamada Kenya oo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan Milatariga Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa ciidamada lagula eegtay inta u dhaxaysa degaanada Haluuqa iyo Ijaara oo ka wada tirsan magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada Kenya ee Gaarisa waxaa Qaraxa ku dhintay 4 Askari oo labo kamid ah ay u dhinteen dhaawac soo gaaray, halka labana ay fagta hore ee Qaraxa ku dhinteen.

Laba kamid ah Askartaan ayaa dhaawaca soo gaaray u geeriyooday dhowr saacadood kadib xiliga Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya in Saddex askari oo kale, oo isku dayay in ay ka boodaan gaariga, ay toogteen dagaalyahanada lagu tuhunsan yahay Alshabaab islamarkaana si xun loo dhaawacay.

Ciidamada la dhaawacay ayaa la xaqiijiyay in loo duuliyay cusbataalka ciidamada Militiriga Memorial Hospital si loogu daaweeyo halkaasi.

Dhinaca kale, Saraakiisha ayaa ku adkeysaneysa in Qaraxa uu  ahaa Miinada nuuca dhulka la geliyo oo haleelay Gaari ay saarnaayeen kolanyo ka tirsan Milatariga Kenya oo ka baxayay Gudaha Soomaaliya kuna sii jeeday Wadanka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Gaarisa

Caasimada@live.com

The post Khasaaraha ka dhashay Qarax lala eegtay ciidamada Kenya oo kordhay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this