Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabihii ay ka wada hadleyn Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee QM oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Adis Ababa (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonia Guetters oo ka qeyb galaya Fadhiga 30-aad ee Midowga Afrika.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya laguna faah-faahiyey kulanka Madaxweynaha iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa u qornaa:

Addis Ababa, 28 Jan 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu ka qeyb galayo Shir-Madaxeedka Caadiga ah ee Midowga Afrika, ayaa waxa ay kulan gaar ah yeesheen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey horumarka la taaban karo ee Dowladdu ka sameysay dhinacyada siyaaadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiniciisa sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sii xoojinta dib u heshiisiinta iyo xasillina dalka, isaga oo intaas ku daray Madaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qaramada Midoobay ay dardargaliso caawimaadda ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa isla soo qaaday meesha ay mareyso u diyaarinta ciidamada Soomaaliya in ay amniga dalka la wareegaan , Xoghaye Guterres ayaana qiray in Ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo la isku hallayn karo oo u baahan in la taageero oo kaliya , waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in Qaramada Midoobay ay gargaar dhinaca bini’aadanimada ah gaarsiin doonto Soomaaliya.

Farmaajo-iyo-Antonia-620x330.jpg?resize=

far-Ant%C3%B3nio-Guterres-2.jpg?resize=6

-DHAMMAAD-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Waxyaabihii ay ka wada hadleyn Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee QM oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this