Sign in to follow this  
Deeq A.

C/raxmaan C/shakuur: “Hay’adii Nabadsugidda Qaranka waxay noqotay mid lagu fushado daneysi siyaasadeed oo shakhsi ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in xarigii looo geystay laba ka mida mas’uuliyiinta xisbigiisa oo uu afduub ku tilmaamay inay muujineyso sida hay’adda NISA u noqotay mid loo adeegsado dano siyaasadeed.

Kadib war-saxaafadeed xisbiga wadjir kasoo saareen xarigii koobnaa ee guddoomiyaha iyo xogahaya xisbigaasi u geysteen ciidamada NISA ayuu si weyn u canbaaraynayaa afduubka uu sheegay in lagula kacay labada masuul ee xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay.

“Hay’adii Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waxay noqotay mid lagu fushado danaysi siyaasadeed oo shakhsi ah..” ayuu fariintiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur oo weli ay ku socoto maxkamad loo heysto Qaran dumisnimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post C/raxmaan C/shakuur: “Hay’adii Nabadsugidda Qaranka waxay noqotay mid lagu fushado daneysi siyaasadeed oo shakhsi ah” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this