Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Nuur Iidow Beyle ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Xildhibaano Golaha Shacabka ee Beesha Cali Madaxweyne, kaddib markii wareegii labaad uu helay 27 cod, halka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu helay 24.

Tirinta cododka wareega labaad ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo natiijada horudhaca ah ay muujineyso in Nuur Iidow Beyle ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne/Xawaadle.

Waxaa tartanka Wajigiisa Koowaad ku haray Musharixiinta

1:-Xuseen Axmed Geelle

2:- Dahabo Xasan Axmed

3:-Dahir Cabdulle Cawaale

4:-Cali Cabdullaahi Cosoble

Doorashada Kursigan ayaa aheyd mid aad u xiiso badneyd oo dhaqaale badan lagu baxshay, iyadoo Sanbaloolshe oo horay kusigan u baneeyay uu dadaal badan ugu jiray sidii uu mar kale ugu guuleysan lahaa, hase ahaatee haatan looga adkaaday.

Guddiga doorashada Madaxa banaan ayaa lagu wadaa inuu goor dhow ku dhawaaqo natiijada rasmiga ah, iyadoo hoolka doorashada ka dhacday uu goor dhow gaaray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Cali C/llaahi Cosoble iyo Mas’uuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

The post Deg deg: Nuur Iidow Beyle oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this