Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee Xaalada Gobolka Sool maanta oo Axada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guud ahaan Xaalada Gobolada Ceyn iyo Sool aad ayay u degan tahay marka laga reebo howlgal ay Ciidan kooban oo Puntland ahi ay kasameeyeen Deegaanada God-qaboobe iyo Boocame.

Saaka waabarigii ayaa howlgal kooban waxaa sameeyey Ciidan qaybka ahaa Khaatumo oo horey ugu biiray Ciidanka Puntland, kuwasoo weerar ku qaadey Maleeshiyaad taabacsan Soomaaliland oo deegaankaas isku urursaday.

Deegaanka Howlgalka laga fuliyey ayaa ah Dhinaca Gudaha marka loo eego Tukaraq oo deegaankaan wuxuu Dhinaca Laascaanood ka xigaa Tukaraq.

Tukaraq dhankeeda Waxba kama jiraan oo aad ayay u degantahay.

Saaka Wixii dhacay Ma ahayn ama Laguna tilmaami karo Dagaal, wuxuu ahaa Howlgal kooban, Khasaaruhuna Ma badenymfer oo hal Nin oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka is urursanayay ayaa geeriyooday.

Dowlada Puntland kama aysan hadal howlgalka saaka dhacay ee lagu kala eryey Maleeshiyaad is urursanayay, Guud ahaana Xukuumadu waxay adkeysay in wax macluumaad ahi ay baxaan ama lasiiyo saxaafada.

Wariye Madaxbanaan oo ku sugan Buuhoodle iminka si kumeelgaar ah ula shaqeeya Puntlandi oo kasoo Qaramada Deegaanada Sool iyo Ceyn wuxuu sheegay in Guud ahaan Xaaladu ay aad u degan tahay.

Puntlandi.com
Buuhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this