Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Subagle oo ku faanay dhibaatooyinka ay gaarsiiyaan Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab + Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia Gen. Cismaan Nuur Subagle, ayaa ka hadlay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Subagle, waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay qaaden talaabooyin hor leh, waxa uuna farta ku goday inay burburiyeen Saldhigyo dhowr ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka, halka ay dileen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad hubeysan.

Subagle, waxa uu tilmaamay in dhammaan guulaha la gaaray ay sabab u tahay wadashaqeynta ciidamada AMISOM kala dhexeysa kuwa dowlada Federaalka, waxa uuna carab ***** in wadashaqeynta ay horseed u tahay guulaha.

Subagle, waxa uu wadashaqeynta labada ciidan ku sheegay inay suurto galisay in Maleeshiyaadka al-Shabaab laga saaro inta badan Dalka, iyadoo la wiiqay awoodihii ay sheegan jireen.

‘’Weynu soo afmeernay dhaqdhaqaaqyada Shabaabka ee Gobolada qaar, waxaa inoo harsan goobo cayiman oo aan rajeyneyno inaan soo afjarno howlgaladooda inta aanu ka bixin Somalia ka hor’’

‘’Waxaan qireynaa inaanu jirin xili ka wanaagsan wada shaqeynta ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM, waayo waxaanu leenahay guddiyo labada dhinac ah oo si wada jira u hirgaliya wada shaqeynta howlgalada iyo baahiyaha ciidamada’’

Subagle, waxa uu soo hadal qaaday qorshayaasha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Somalia isagoona qeexay in ay ka go’an tahay ka bixitaanka Somalia marka amaanka guud ee dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Qaranka Somalia.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia  Subagle ayaa sheegay in ay jiraan caqabado maleeshiyaadka Shabaab ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed dagaalkooduna uu yahay mid is bad-badala balse ay ka warqabaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM qorshe kasta  oo ay la yimaadaan Argagaxisada Al shabaab.

‘’Walwal kama qabno in maleeshiyaadka ay soo afmeermayaan muddo dhow kadib, waxaanu dhankeena xooga ka saareynaa sida looga takhaluusin lahaa Shabaabka harsan ee dhaqdhaqaaqa gabay’’

Dhinaca kale, Subagle ayaa Talisyada ciidamada dowlada ugu baaqay inay ka dhabeeyan dagaalka ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray argagixisada Somalia ee al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Gen. Subagle oo ku faanay dhibaatooyinka ay gaarsiiyaan Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab + Warbixin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this