Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo aan weli ka jawaab bixin qeyla dhaan kasoo yeertay Axmed Madoobe (Maxay tahay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in inta badan deegaanada maamulkiisa ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.

Axmed Madoobe oo si feynaayay al-Shabaabka ku sugan deegaanada maamulkiisa ayaa sheegay inay yihiin kuwo dhawaan kasoo cararay Gobolka dalka ee duqeynta ka dhacday.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhowr jeer gaarsiiyeen dhawaqooda ku saleysan dhanka amniga, hase ahaatee aanu u muuqan dadaal ay dowlada ku bixineyso xal u helida qeyla dhaankooda.

Madoobe waxa uu mar kale cadeeyay in al-Shabaabka kusii kordhaaya deegaanada maamulkiisa looga adkaan karo keliya dagaal mideysan oo lala galo, waxa uuna dhaliil ka muujiyay qaabka ay Jubbaland oo qura kula dagaalami karto.

Waxa uu farta ku goday in qulqulka al-Shabaab ay saameyn ballaaran ku yeelan doonto Amniga, Horumarka iyo Xasiloonida dhulka maamulka, hase ahaatee ay diyaar u yihiin inay adeegsadaan maskax.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayuu ugu baaqay inay muujiso kaalinteeda ku aadan la dagaalanka al-Shabaab, isla markaana ay ka dhabeyso duulaankii ay iclaamisay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa deegaanada Jubbaland kusii kordhaaya al-Shabaabka kasoo cararay duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada kale ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

The post DFS oo aan weli ka jawaab bixin qeyla dhaan kasoo yeertay Axmed Madoobe (Maxay tahay) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this