Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin ku saabsan Kaaliye Maxkamadeed oo xalay lagu dilay Gobolka Shabeellaha hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanllaweyn-(Caasimadda Online)-Koox Hubeysan ayaa xalay Degmada Wanlla weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose ku dishay Kaaliyahii Maxkamadda Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dilka ayaa sida la sheegay wax uu ka dhacay afaafka hore ee guriga kaaliyaha iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta isaga baxsadeen sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Walweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dilkaasi waxa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Gudi loo saaray baaritaanka ku aadan sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Kaaliyihii Maxkamada degmada Walweyn Maxamed Jacfar Cabdi.

Ciidanka amaanka ee Degmada Wanllaweyn ayuu sheegay in kaddib dilka Kaaliyaha ay howlgal ka sameeyeen Xaafadda uu dilka ka dhacay ee Magaaladaas hayeeshee ilaa hadda aysan jirin cid ay u soo qabteen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

The post Faahfaahin ku saabsan Kaaliye Maxkamadeed oo xalay lagu dilay Gobolka Shabeellaha hoose. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this