Sign in to follow this  
Deeq A.

Ogaysiis Shaqooyin ka banaanka Warbaahinta Puntlandi

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntlandi waxay soo bandhigaysaa labo shaqo oo ka banaan, tasoo loo baahan yahay Sida ugu dhakhsaha badan, Wixii macluumaad ah Hoos ka daalaco.

1- Warbaahinta Puntlandi.com waxay u baahan yihiin Wariye ka Howlgala Bosaso iyo nawaaxigeeda

Sharuudaha

  • Waa inaad heysataa khibrad ugu yaraan 5 sano ah oo aad kasoo shaqaynaysay Warbaahinta noocey doonto ha ahaatee.
  • Waa inaad degantahay Bosaso
  • waa inaad heysataa khibrad ah inaad isticmaali karto website-ka. HTML , worlpress ama FTP
  • sharuudaha Guud ka EEG  qaybta hoose ee page-kaan.

2- Warbaahinta Puntlandi waxaa ka banaan Wariye ka howlgala Gobolka Sool

Sharuudaha

  • Waa inaad heysataa khibrad ugu yaraan Labo sano oo aad kasoo shaqaynaysay Warbaahinta noocey doonto ha ahaatee
  • Waabinaad heysataa khibrad ugu yaraan halsano inaad isticmaalaysay Internetka iyo qaabka Wararka loogu daaboco WordPress.
  • Waa inaad degan tahay Buuhoodle

Sharuudaha Guud ee Labadaan shaqo

  • Waa inuu Wariyuhu heysataa oo leeyahay Teleefoonka Mobil ah oo kuwa casriga ah Sida Samsung noocyada Galaxy ama iphone khaasatan Samsung.

  • Wariyaha heysta Qalabkiisa tixgalinta kowaad ayuu yeelanayaa markaan kala dooraneyno codsiyada nasoo gaara, laakiin Sharuud Ma ahan.

  • Waa in Wariyuhu uu yahay shaqsi Masuul ah oo qof damiin ah  la yimaadaa, Qodobkaan waa muhiim.

Dhanka Warbaahinta Puntlandi.com

Warbaahinta Puntlandi waxay tixgalin muhiim ah siiyaan Guud ahaan Howlwadeenada, waxaan ku Dadaalka in Shaqaalaha Warbaahintayada aan sare u qaado tayadooda shaqsiyeed iyo mid shaqaba.

Shaqaalaha cusub wuxuu ku shaqeeyaa heshiis gaara oo 4 bilood ah markaas kadib Ayaan qiimeynaa in aan siiwadno wada shaqaynta iyo kamid ahaanshaha Bahda Puntlandi.

Mushaarka  waa  lagawada hadlayaa.

Hadaad daneynayso noogusoovdir codsigaaga iyo CV-gaaga

garowe@puntlandi.com

wixii su’aal ah lasoo Xiriir Cafiiskayaga Garowe

Cabdiwali Shiekh

tlf 07734632

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this